Wararka ka imaanaya dalka Jabuuti ayaa ku waramaya in tobannaan ruux oo tahriibayaal ah ay ku dhinteen xeebaha dalkaas, kadib markii ay la qallibmeen doonyo ay saarnaayeen.
Ugu yaraan 45 ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen, doonyaha siday dadka tahriibayaasha ah ee ku qallibmay xeebaha dalka Jabuuti, sida laga soo xigtay hey’adda socdaalka uqaabilsan Qaramada Midoobey.
Doonyaha qallibmay oo 2 ahaa ayaa waxaa lasoo warinayaa iney kasoo shiraacdeen xeebaha dalka Yeman, islamarkaana ay saarnaayeen dad tiradooda lagu sheegay 310 ruux.
Waxaa suuragashay in la badbaadiyo 32 kamid ah boqallaalkaas ruux, halka 45 kalana la xaqiijiyay iney geeriyoodeen.
Howlgallo baadigoob ah oo lagu soo badbaadinayo ama haddii ay dhinteen dadka doonyaha saarnaa meydadkooda lagu raadinayo ayaa ka socda xeebaha dalka Jabuuti.
Marar badan waxaa xeebaha dalka Jabuuti oo kamid ah marinnada ay adeegsadaan dadka Tahriibayaasha ah ku qallibmay doonyo nuucaan ah, kuwaas oo sababay dhimashada boqallaal ruux.