Dowladda Federaalka ayaa cambaareysay Duqeyntii ka dhacday magaalada Al-Khardhuum ee caasimadda Suudaan, taasoo lagu beegsaday Guriga Safiirka Imaaraatka ee wadankaas.
Warqad kasoo baxday wasaaradda arimaha dibadda ee Dowladda Federaalka, ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalku ay cambaareyneyso weerarka duqeynta ah, ee diyaaradaha milliteriga Suudaan ku garaaceen, hoyga safiirka Imaaraatka Carabta ee dalka Suudaan.
Dowladda Federaalka ayaa tilmaamtay in weerarkan uu xadgudub ku yahay waxay ku tilmaamtay shuruucda caalamiga ah, loona baahanyahay in la ilaaliyo xarumaah diblumaasiyadeed ee ku yaala dalalka caalamka.
Warka kasoo baxay Dowladda Federaalka, ayaa loo arkaa mid ay Imaaraatka Carabta weji uga raadsaneyso, ugana dooneyso taageero milliteri iyo taakulo dhaqaale.
Isniintii lasoo dhaafay ayay ahayd markii wasaaradda arimaha dibadda Imaaraatka Carabta, war ay soo saartay ku sheegtay, in hoyga safiirkooda dalka Suudaan ee magaalada Al-Khartuum lagu beegsaday duqeyn diyaaradee, duqeyntuna geystay burbur xoogan.
Imaaraatka Carabta ayaa taageera malleeshiyaadka RSF ee ka dagaallamaya dalka Suudaan, kuwaasoo sanad iyo bar kabadan gumaad arxan darro ah u geysanaya dadka muslimiinta ah ee ku nool wadankaas.