Waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka furmay shirka maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka, iyadoo uu ka maqanyahay hogaamiyaha maamulka Puntland Siciid Deni.
Maamul goboleedyada shirka kasoo qeybgalay iyo Dowladda Federaalka ayaa kala shakisan, waxaana Laftagareen uu kasoo degay garoonka Muqdisho, isagoo wata ilaalo gaar ah oo uu kala yimid magaalada Baydhabo.