Dowladaha Itoobiya iyo Eretria, oo waayadii u dambeysay uu ka dhex taagnaa khilaafaad, ayaa hawada isku mariyay eedeymo culus, oo ka tarjumaya sida ay usii kala fogaanayaan labada dal.
Taliyaha ciidamada Itoobiya ayaa waraysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay, in ciidamada Eretria ee joogay wuqooyiga dalka Itoobiya ay halkaas ka geysteen gumaad iyo tacadiyaad kala duwan.
Dhanka Eretria, waxay iska fogeysay eedeymaha loo soo jeediyay, bayaan kasoo baxay wasaaradda arimaha Warfaafinta Asmara ayaana lagu sheegay iney waxba kama jiraan tahay eeda kasoo yeertay Itoobiya.
Ciidamada Eretria ayaa ku gacan siiyay Abiy Axmed, dagaalkii uu la galay kooxda Tigreega ee TPLF, waxaana xilligaasi ay ka geysteen gobolka Tigrey xasuuq daran, si lamid ah ciidamada Itoobiya oo iyaguna ku kacay xasuuqyo aad u daran.