Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weerar ku qaaday, saldhigga ay askarta shisheeyaha Uganda ku leeyihiin degmada Jannaale ee gobolka Sh/Hoose.
Daryanka rasaasta la isdhaafsayay ayaa ayey maqlayeen dadka deegaanku, lamana helin wali tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan weerarka oo dhacay xilli habeen ah.
Sido kale Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay Maanta weerar ku qaaden, askarta maamulka la baxay Koofur-Galbeed ee degan saldhigga makuudo ee magaalada Baydhabo oo katirsan gobolka Baay, isna lagama hayo xog intaasi dheeri ka ah.
Millateriga Xarakada Mujaahidiinta ayaa habeenkii inta badan weeraro ku mira, Shisheeyaha iyo askarta Dowladda Fedaraalka ee saldhigyada ku leh, Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.