Maalintii shalay weeraro culus oo udhaxeeyay askarta Yahuudda iyo ururka Shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah, ayaa ka dhacay deegaano dhaca Koofurta wadanka Lubnaan.
Weeraradaasi oo ahaa kuwo dhabbagal ah ayaa waxaa askarta Yahuudda lagu gaarsiiyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxayna ku kallifeen iney dib uga soo baxaan mid kamid ah deegaannadii ay duulaanka ku tageen.
wararka la helayo waxay sheegayaan, in ugu yaraan 14 kamid ah askarta yahuudda oo ay ku jiraan saraakiil halkaasi lagu dilay, halka ay jiraan dhaawacyo.
Tiradan kabadan 10-ka ee maamulka gumeystaha Yahuudda laga dilay, wuxuu ka qirtay oo kaliya 8 ay saraakiili ku jiraan, halka uu dafiray khasaaraha kale ee soo gaaray.
Warar laga helayo Yahuudda xoogga lagu dejiyay deegaannada xadbeenaadka udhaxeeya Lubnaan iyo Falastiin gaar ahaan aagga dagaalladu ka socdaan ayaa tibaacaya, in dadka Yahuuddu ay soo sheegayaan in 14 kamid ah askartooda halkaasi lagu dilay.
Kayaanka Sahyuuniga ah ayaa faafiyay qaar kamdi ah magacyada askarta iyo saraakiisha ku dhintay dagaalladii shalay, jagooyinkooda iyo halka ay kasoo kala jeedaan.
Waxaa xusid mudan in askarata iyo saraakiisha Yahuudda uga dhimatay dagaalladii shalay tiro badan oo kamid ah yihiin dhalinyaro dhowr iyo labaatan jirro ah.
Muuqaal lagu baahiyay warbaahinta ayaa muujinaya inta uu la eg yahay khasaaraha culus ee gaaray maamulka Yahuudda.