Askari katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu degmada Jalalaqsi ku dilay nin dhalinyaro ah.
Ninka la dilay ayaa kamid ah ahaa ragga ka shaqeeya Korontada ee ka howlgala degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan.
Dilka ayaa yimid kadib markii uu askariga katirsan Dowladda Fedaraalka uu lacago baad ah ka dalbaday ninka la dilay.
Mid kamid ah dadka ay isku dhawaayeen wiilka la dilay ayaa ka warbixiyay qaabka ay wax udhaceen.