Maamulka Islaamiga ah ee Jubbada Hoose, ayaa dowro diini ah u qabtay ganacsatada magaalada Jamaame, taasoo lagu baranayay arimo muhiim u ah ganacsatada.
Dowrada oo in muda ah socotay, ayaa munaasabadda lagu soo xirayay waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin katirsan maamulka gobolka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ganacsatada ayaa sheegay in dowrada loo qabtay ay wax badan ka faa’ideysteen, ayna codsanayaan in marar badan loo soo celiyo.