Dhawaan wasiirka arimaha dibadda Dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi, oo kalimad ka jeedinayay shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay u kuur geli doonto doorashooyinka madaxtinimada ee bisha nasoo aadan qaban doono maamulka labaxay Soomaaliland.
Fiqi ayaa muujiyay suurtogalnimada in isdabamarin ay dhacdo marka ay dhaceyso doorashada maamulka Soomaaliland, taasoo keeni karta inuu markale kusoo baxo hogaamiyaha maamulkaas ninka lagu magacaabo Muuse Biixi.
Warka kasoo baxay Dowladda Federaalka, waxaa si kulul uga jawaabay maamulka labaxay Soomaalialnd, kaasoo sheegay in Dowladda Federaalka aaney wax awood ah ku lahayn deegaannada uu maamulkaasi ka taliyo.
War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda maamulka labaxay Soomaaliland, ayaa lagu sheegay in sharci darro ay tahay warka kasoo baxay Dowladda Federaalka, ee la xiriira arimaha doorashooyinka Soomaliland.
Dowladda Federaalka ayuu war saxaafadeedka maamulka Soomaaliland ku tilmaamay, mid ay hogaamiyaan koox yar, oo ka taliso masaaxo kooban oo kamid ah Soomaaliya, halkaasina ay ka jirto xasilooni darro amni.
Maamulka Soomaaliland ayaa ku faanay inuu yahay maamul dimuqraadi ah, oo hirgeliyay doorashooyin, halka Dowladda Federaalka uu sheegay iney tahay dowlad aan awood lahayn, oo aan marna qaban doorasho madaxtnimo oo qof iyo cod ah, sida warka loo dhigay.