HomeAll newsShirkadda Diyaaradaha Imaaraatka Carabta oo Joojisay Duulimaadyada Bariga Dhexe.

Shirkadda Diyaaradaha Imaaraatka Carabta oo Joojisay Duulimaadyada Bariga Dhexe.

Shirkadda Diyaaradda Imaaraat-ka ayaa ku dhawaaqday iney hakisay muddo labo maalmood ah duulimaadyadii ay ku tagijirtay wadamada Ciraaq, Iiraan iyo Urdun.

Shirkadda ayaa sababta ay ujoojisay duulimaadyada ku tilmaamtay iney la xiirirto xiisadda colaaleed ee ka aloolsan mandiqadda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Roytaris.

Arriintan awgeed waxaa duulimaadyo calami ah laga leexiyay halkii ay ku wajahnaayeen, iyadoo kuwa kale la hakiyay, waxayn saameyn ku yeeltay dad badan ku sugnaa garoomada diyaarada ee ku yaall ee ku yaalla mandiqadda lagu magacaabo Bariga Dhexe.

Xiisadda ka taagan Mandiqadda loogu yeero Bariga Dhexe awgeed, waxay dowladdo dhowr dadkooda ku sugan gobolka ugu baaqeen iney isaga soo baxaan, iyagoo ka cabsi qaba iney go’doon ku noqdaan ama ay waxyeello kasoo gaarto dagaallada kasocda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular