Ingiriiska oo kamid ah dalalka dhaca qaaradd Yurub ayaa waxaa ku nool malaayiin Muslimiin ah oo ay marwaliba tiradoodku kor isii kacayso, sida uu sheegeyo xaffiiska tirakoobaka Ingiriiska ee magaciisa loosoo gaabiyo ONS.
Hadaba malaayiintan Muslimiinta ayaa maanta wajahaya nacayb aad daran oo uga imaanaya dadka neceb Islaamka ee udhashay wadankaasi, waxayna xilligan dhacdooyinka la xiriirka Islaam nacaybka marayaan halkii ugu sarreysay,
Hay’ad magaceed loosoo gaabiyo Tell MAMAUK oo diiwaangelisa weerarda la xiriirka Islaam nacaybka ee dhaca wadankaasi ayaaa sheegeysa, in sannadkii tegay oo kaliya ay diiwaangelisay 4,971 dhacdo oo isugu jira Islaam nacayb iyo Haybsooc ka dhan ah Muslimiinta ku noo wadankaasi.
Waxay intaasi ku dartay hay’addu in intii udhaxay Oktoobartii 2023-kii iyo Septemper-ta sannadkan aan ku jiro, ay gaartay hab-dhaqan xumada lagula dhaqmayo Muslimiinta 63%, halka falalka hanjabaadda ah ee ay la kulmayaanna ay ku sheegtay qadar dhan 27%.
Wakaaladda wararka Britain ee AP Media oo soo xiganeysa hay’addan ayaa sheegtay, in dhacdooyinka ugu badan ee la xiriirka Islaam nacaybka ay ka dhaceen Magaalada Lodon, North West, Yorkshire iyo Midlands.
Xisbiga Midigta ee xagjir ah ayaa qaadanaya kaalinta ugu weyn falalka la xiriira Islaam nacaybka isagoo warbaahinta ka hurinaya dhibaatooyin Muslimiinta