Waxaa xeebaha dalka Turkiga kasoo dhaqaaqay markabka qoda shidaalka ee Turkigu leeyahay, kaasoo kusoo wajahan Xeebaha Soomaaliya.
Munaasaba ka dhacday wadanka Turkiga, oo uu ka qeybgalay madaxweynaha dlakaas Ordogan iyo masuuliyiin kale, ayaa lagu sheegay in markabka shidaalka ee ORUC REIS, uu u dhaqaaqay xeebaha dalka Soomaaliya, halkaas oo uu ka billaabi doono howlo shidaal baaris ah.
Markabka ayaa kasoo gudbi doona badda Medeterianka, isagoo maraya kanaalka Suweys, soona maraya xeebaha Badda Cas, illaa ugu dambeyn uu kusoo xirto xeebaha badweynta Hindiya, oo ah halka uu shidaal qodista ka billaabi doono.
Wasiirka Macdanta iyo Batroolka ee dowladda Turkiga ayaa tallaabadan ku tilmaamay, iney qeyb ka tahay dhaqan gelinta heshiiskii ay horey ula gashey Dowladda Federaalka.
Dowladda Turkiga ayaa boob ba’an ku heysa kheyraadka kala duwan ee Soomaaliya, waxaana heshiisyo aan cadaalad ku saleysaneyn oo ay la gashey Dowladda Federaalka u suurogelisay iney siday doonaan u qaataan kheyraadka dabiiciga ah ee kala duwan, iyadoo aaney jirin cid ay uga heebeysanayaan.
Tallaabada shidaal qodista ee Turkigu ka billaabayo Soomaaliya, ayaa ku biireysa la wareegitaankii ay horey xukuumadda Ankara ula wareegtay maamulka garoonka diyaaradaha iyo dekadda Muqdisho, oo kamid ah ilihii dhaqaale ee ugu muhiimsanaa oo ay umadda Soomaaliyeed leedahay.