Mas’uul katirsanaa wasaaradda Beeraha ee Dowladd Fedaraalka, ayaa meydkiisa laga dhex-helay guri ku yalla degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda macali Nuur.
Cabdi Cali Xalane oo loo aqoonjiray Cabdi Fareey, oo ahaa sarkaal sare oo katirsan wasaaradda Beeraha ee Dowladda Fedaraalka, ayaa isagoo dhintay lagu dhex arkay guri uu ka deganaa xaafadda Macalin Nuur ee degmada Dharkenley.
Ninkan si rasmi ah looma oga cidda dilkiisa ka dambeysa, balse 3 ruux ayaa la sheegay in loo qabtay kiiskan.
Muuqaallo laga soo duubay meydkiisa kadib markii guriga lagalay ayaa muujinaya, waxyeello xooggan oo soo gaartay jirkiisa.
Dhuuntiisa waxaa ka muuqda dhaawac, halka xabadkiisana uu madowyahay, taasoo dadka qaar ay ku micneeyeen in laga gaaacay.
Horay sidan oo kale waxaa magaalada Muqdisho loogu arkay, xubno katirsan Dowladda Fedaraalka oo la helay iyagoo meyd ah, Dowladda Fedaraalka way ku fashilantay iney ogaato cidda dilkooda kadambeysay, sidaasi ayaana looga gudbay kiisaskooda.