Xasan Sheekh Maxmuud oo ah madaxweynaha Dowladda Federaalka, ayaa dowladda Itoobiya ku eedeeyay iney biyo kusoo fureyso biyo xireennada dalkeeda ku yaala, si ay biyo badan usoo raacaan webiyada Shabeellee iyo Jubbad oo asal ahaan kasoo burqada Itoobiya, taasoo keeneysa fatahaado ka dhaca gudaha Soomaaliya.
Waraysi uu Xasan Sheekh Maxmuud, madaxweynaha Dowladda Federaalka, 30-kii September siiyay majallada Ecominist ayuu kusoo bandhigay sawirrada fatahaado ka dhacay Soomaaliya, arinkaas oo uu u sababeeyay habdhaqanka dowladda Itoobiya, oo uu sheegay iney xilligay doonto biyo badan kusoo furto webiga.
Dowladda Itoobiya ayuu ku eedeeyay iney hub kusoo gureyso Soomaaliya, iyadoo hubeyneyso malleeshiyaad beeleedyo iyo siyaasiyiin iyo odayaal dhaqan oo mucaarad ku ah dowladiisa, isagoo sheegay inuu walaac ka qabo in hubkaasi ugu dambeyn uu u gacan galo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Wuxuu intaa ku daray in dowladda Itoobiya ay ku dhiirogelineyso siyaasiyiin iyo odayaal qabiil iney ka hor yimaadaan ciidanka Masar ee lagu wado iney yimaadaan Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in isaguna dowladiisa ay sameyn karto iney dib usoo nooleyso dhibaatooyinka heysta Soomaalida Itoobiya, oo uu ula jeedo dadka Soomaaliyeed ee kujira gumeysiga Xabashida, ee degan dhulka Soomaali-Galbeed, dhulkaasi oo uu horaan Xasan Sheekh ku tilmaamay inuu yahay dhul Itoobiya leedahay.
Xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Dowladda Federaalka ayaa cirka isku sii shareereysa, dowladda Itoobiya oo awood adeegsaneysa ayaana hadda ku sugan qeybo badan oo kamid ah dalka, iyadoo la wareegtay garoomadii diyaaradaha ee gobolka Gedo, sidaba uu horey uga marqaati kacay Xasan Sheekh mar uu waraysi siinayay telefeshinka Aljazeera.
Turkiga oo waday isku dayo ay ku dhex-dhexaadineyso labada dhinac, ayaa weli wax xal ah ka gaarin khilaafka labada dhinac, waxaana weli socda isku dayo lagu dhex-dhexaadinayo Abiy Axmed iyo Xasan Sheekh Maxmuud.