HomeAll newsBanaanbaxyo Looga soo Horjeedo Xasuuqa Qazza oo ka Dhacay Afrika iyo Yurub.

Banaanbaxyo Looga soo Horjeedo Xasuuqa Qazza oo ka Dhacay Afrika iyo Yurub.

Kumanaan ruux ayaa maalintii shalay oo sabti ahayd dibadbaxyo ka dhigay, dalal dhowr oo ku yaalla qaaradda Yurub iyo Koonfur Afrika.

Magaalooyinka waaweyn ee wadamadan ayey banaanbaxyadu ka dhacayeen, waxaana kamid ah meelaha laga dhigay caasimadda dalka Ireland ee Dublin, dibaxbaxayaasha ayaa kor ugu dhawaaqayay in Filistiin ay ubaahantahay xorriyad iyo cadaalad, sida ay soo tebisay wakaaladda wararka ee France Presse.

Wadanka Faransiiska ayaa kamid ah dalalka ay ka dhaceen dibadbaxyada lagu garab istaagayo Filistiin, waxaan kamid ah magaalooyinka laga dhigay caasimadda Paris iyo magaalooyinka kale ee waaweyn sida: Lyon,Toulouse iyo Strasbourg.

Magaalada Bazel ee wadanka Switzerland iyada waxaa isugu soo baxay kunaan qof oo dhigaya dibadbax looga soo horjeedo waxa kasocda Falastiin.

Sido kale Roma illaa lix kun oo qof ayaa banaanbax ka dhigay, kuwaasoo kor usiday calanka Falastiin iyo Lubnaan, waxay si isku mid ah uga soo horjeedeen duqeymaha aan kala sooca lahayn ee ay Yahuuddu kawaddo labada wadan.

Sido kale magaalada Baarliin ee wadan Jarmalka ayaa kamid meelaha ay ka dhaceen banaanbaxyada looga soo horjeedo gumaadka ay Yahuuddu kawado Jiidda Qazza, booliska Jarmaka ayaana isku dayay inuu diido banaabaxa hase ahaate dadkii ayaa ka diiday, waxayna dibadbaxa ku dhigeen afaafka hore ee xarunta Booliska wadankaasi.

Dalka Koofur Afrika gaar ahaan magaalada Kebtoon, ayaa waxaa isugu soo baxay boqolaal qof oo ku dhawaaqayay eryo ka dhan ah Yahuudda dhanka kalena waxay garab istaag umuujinayeen Muslimiinta Reer Falastiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular