HomeAll newsWasiirkii Arimaha Dibadda Itoobiya oo Noqday Madaxweynaha Dalkaas.

Wasiirkii Arimaha Dibadda Itoobiya oo Noqday Madaxweynaha Dalkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya ninka lagu magacaabo Taye Atske Selassie, ayaa loo magacaabay inuu noqdo madaxweynaha Itoobiya, kadib kulan aan horay loo shaacin ay yeesheen Baarlamaanka dalkaas.

Ninka hadda la magacaabay iyo haweeneydii la casilay ayaa labaduba waxa ay kasoo jeedaan qowmiyadda Amxaarada.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya ee hadda la dhigay madaxweynaha dalkaas, ayaa qeyb ka ahaa masuuliyiinta Xabashida ah ee kaalinta weyn ku leh sidii ay Itoobiya ku qaadeyn leheed xeebaha Soomaaliya.

Dalka Itoobiya marka laga hadlayo siyaasadda waxa uu madaxweynuhu ka yahay magac uyaal, waxaana howlaha xukuumadda kala wada ra’iisal wasaaraha.

Halkan ka dhagayso.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular