Taliyaha ugu sarreeya ciidanka Uganda sidoo kalena ah wiilka madaxweynaha dalkaas ayaa waxa uu eedeyn ujeediyay, safiirka dowladda Mareykanka ufadhiya dalka Uganda.
Taliyaha ayaa safiirka Americanka ah waxa uu ku eedeeyay, in uu imtiraam darri umuujiyay Yuweri Musavani oo ah madaxweynaha Uganda, sidoo kalena uu doonayo inuu wiiqo dowladda dalkaas.
Waxa uu usoo jeediyay in uu raalin galin buuxda ka bixiyo gafka uu sheegay inuu ugeystay aabihiis oo ah madaxeynaha Uganda, haddii uu sidaasi sameynna dalka laga saari doono.
Hadalka eedeynta ah ee kasoo yeeray taliyaha ciidanka Uganda ayaa kusoo aadaya, kadib markii uu Mareykanka cunaqabateyn kusoo rogay afar sarkaal oo sar sare oo ka tirsan pooliska dalka Uganda, kuwaasoo lagu eedeeyay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, sida jirdil iyo dhibaatooyin kale.