Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Fedaraalka ayaa isku dayay inuu qiil udayo shirkii fashilmay ee ka socday magaalada Muqdisho.
Xamsa Cabdi Barre oo ah Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Fedaraalka ayaa ka hadlay, shirkii ay Muqdisho kula lahaayeen madaxda maamul gobaleedyada, kaas oo shalay la sheegay inuu fashil kusoo dhamaaday.
Axmed Madoobe oo kamid ahaa madaxda maamul goobaleedyada oo shirka ka baxay ayaa ku laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta u ah maamulka la baxay Jubbaland.
Xamsa oo daboolaya fashilkaas ayaa sheegay inuu shirka wali socda, ayna jiraan la tashiyo muhiim ah sida uu hadalka udhigay.
Halkaan ka Degso Warka Xamsa Cabdi Barre