Xildhibaankii uu dhawaan xabisga kasii daayay maamulka la baxay Soomalailand ayaa ka hadlay sababta loo xiray iyo waxa laga doonayo.
Maxamed Abiib oo kamid ah xildhibaannada maamulka la baxay Soomaaliland oo saxaafadda la hadlayay ayaa shaaca ka qaaday, sababta ka dambeysa xarigiisa.
Waxa uu tilmaamay in ujeedooyin waaweyn uu maamulka la baxay Soomaaliland ka lahaa xarigiisa, islamarkaana uu doonayo inuu colaado lamid ah tan Laascaanood uu ka abuuro qaar kamid ah goballada woqooyi.
Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay inuusan marnaba ka tanaasuli doonin aragtidiisa, uusanna aheyn nin qadiyadiisa uga tagaya xarig iyo caga jugleyn sida uu hadalka udhigay.