Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Kobanheegan ee caasimadda u ah wadanka Denmark laga soo tebiyay, qarax ka dhacay meel 500 mitir ujirta safaaradda maamulka Yahuudda ee wadanka Denmark.
Qarax oo ahaa mid dhawaqiisa ay maqleen dad badan, ayaa la sheegay inuu ka dhacay afaafka hore ee dhisme ku yaalla meel 500 mitir ku jirta safaaradda.
Sawirro ay goobta qaraxu ka dhacay kasoo qaaday warbaahinta ka howlgasha gudaha dalkaasi ayaa muujinaya, saameynta qarax u uku reebay goobta uu ka dhacay.
Durba markii uu dhacay qaraxan ayaa dadka Yahuudda ah ee ku sugan saafaradda maamulka Sahyuuniga waxaa soo wajahay cabsi weyn.
Waa markii labaad oo maalmo gudahood qaraxii sedaxaad uu dhacayo agagaarka saafaradda kayaanka Sahyuuniga ee wadanka Denmark.
Booliska dalkaasi ayaana tilmaamay iney isku dadayaan baaritaan ku addan haddii uu jiro xiriirka ka dhaxeeya qaraxyadii hore iyo midka cusub ee hadda.
Bilowgii Bishan Oktobar, labo qarax ayaa ka dhacay meel qiyaastii ku dhowaad 100 mitir kujirta saafaradda Yahuudda ee wadankaasi, waxayn Boolisku sheegeen iney ubadaniyaan in qaraxyadaasi ahaayeen 2 Bam-Gacmeed.