Xukuumadda Ukraine ayaa duqeysay goob shidaal oo ay iska leeyihiin ciidamada Ruushka, taasoo ku taalla Jaziiradda Al-Qiram ee ay 2014-kii la wareegtay dowladda Ruusha.
Duqeyntan oo ay Ukraine sheegtay iney udeegsatay gentaallada ridada dheer, ayaa ku dhacday goobtan shidaal oo si gaar ah ugu taalla, Fedoosiya oo katirsan Al-Qiram.
Kadib markii ay goobtan shidaal ku dhaceen gentaallada ay soo tuurtay Ukraine, waxaa cirka isku shareeray uuramadow, muuqaallo laga soo duubay goobta ayaana lagu baahiyay Intarnet-ka, waxayn Ukraine sheegtay in duqeyntu sababtay dab kakacay goobtii shidaal ee labeegsaday.
Dowladda Ruusha ayaa dhankeeda sheegtay inuu jiro dabka kakacay goobta duqeynta lalabeegsaday, mana aysan bixin tafaasiil intaasi dheeri ka ah.
Gentaalladan lagu weeraray Ruusha ayey Ukraine sheegtay iney tuurtay habeen hore.
Dhinaca kale Ruusha ayaa duqeyn sawaariikh loo adeegsaday la beegsaday dekadda Odiisa ee ku taalla Koofurta Ukraine.
Duqeyntan ayaa ku dhacday Markab ganacsi oo taagnaa dekadda islamrkaana wata calanka wadanka Baalawu oo ah jaziirad dhacda Galbeedka badweynta Baasifigga.
Waxaa ku dhintay duqeynta uu Ruushku ka geystay dekaddan dhacda Koofurta Ukraine, oday 60 jir ah oo udhashay wadanka Ukraine islamarkaana shaqaale ka ahaa shirkad gaar looleeyahay oo ka shaqeysa dekadda.
Sido kale waxaa ku dhaawacmay 5 ruux oo udhashay wadamo kale, Ruusha ayaana duqeyntan qirtay inuu isagu ka dambeeyay.