Dowladda Uganda ayaa ka hortimid in ciidamo Masar ka socda ay Kamid Noqdaan Duullaanka ay Shisheeyuhu kusoo qaadeen Soomaaliya.
Qorshaha ay dowladda Masar uga mid noqoneyso duullaanka ciidamada Shisheeye ee bedelaya kan ATMIS, ayaa wajahaya mucaarado xoogan oo ka imaaneysa dhinacyo saameyn ku leh duullaanka ciidamada Shisheeye ee Afrika ka socda ka wadaan dalka Soomaaliya.
Dowladda Uganda oo kamid ah dowladaha hormuudka ka ah duullaanka Soomaaliya lagu soo qaaday, ayaa muujisay iney kasoo horjeedo in Masar ay kamid noqoto howlgalka ciidamada Shisheeyaha ee Soomaaliya, marka sanadka cusub ee 2025-ka laga bedelo magaca ay hadda ku howlgalaan oo ah ATMIS, loona bixiyo magaca AUSSOM.
Wasiiru dowlaha arimaha dibadda dalka Uganda ninka lagu magacaabo Henry Oryem Okello, ayaa sheegay iney kasoo horjeedaan in dowladda Masar ay ciidamo usoo dirto Soomaaliya, kuwaasoo kamid noqonaya duullaanka Shisheeye ee Soomaaliya.
Isagoo la hadlayay wariyaal ku sugan dalka Uganda ayuu wasiiru dowlaha wuxuu si caro leh isku weydiiyay halka ay Masar jirtay tobanka sano ee uu socdo duullaankooda Soomaaliya, wuxuuna yiri ” Maxay Masar xilligan u dooneysaa iney kusoo biirto howlgalka, halkee ayay jirtay mudadan dheer?” ayuu yiri wasiiru dowladaha arimaha dibadda Uganda Henry Oryem Okello.
Warkan kasoo baxay dowladda Uganda ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhamaadka sanadkan lagu wado in duullaanka ciidamada Shisheeyaha ee Soomaaliya loo bixiyo magac cusub, iyadoo la yareynayo shaqadooda, laguna soo koobayo oo keliya iney ilaaliyaan amniga goobaha muhiimka u ah Dowladda Federaalka iyo Shisheeyaha dalka kusoo duulay.
Masar ayaa heshiis iskaashi xaga difaac ah la gashey Dowladda Federaalka, waxaana dhanka kale ay Midowga Afrika ku wargelisay iney diyaar u tahay in kumanaan askari ay kaga qeyb qaadato duullaanka Soomaaliya, arintaasi oo si xoogan uga hortimid dowladda Itoobiya, waxaana Uganda ay noqoneysaa dal kale oo labaad oo is hortaaga damaca Masaarida ee ah kamid noqoshada tooska ah ee duullaanka Soomaaliya.