Maandooriyaha ayaa dhibaatooyin kula duwan ku haya dhalinyarada ku dhaqan magaalada Dhoobley ee gobalka Jubada-hoose.
Goobaha ay ku sugan yihiin Shisheeyaha iyo Dowladda Fedaraalka waxaa bulshada ku nool ay la dhiban yihiin waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo ay isticmaalaan da’ yar iyo duqey intaba.
Magaalada Dhoobley oo kamid ah goobahaas ayaa waxaa lasoo sheegayaa in maandooriyaha uu dhibaato ba’an ku hayo dadka, si gaar ah dhalinyarada ku nool magaaladaas.
Qaar kamid ah dhalinyarada magaalada ayaa waxa ay ka hadleen dhibaatooyinka uu ku hayo maandooriyaha iyo waxyaabaha looga hortagi karo.