HomeAll newsFaransiiska oo Xiray Haweeney Muslimad ah oo Difaacaneysay Xijaabkeeda.

Faransiiska oo Xiray Haweeney Muslimad ah oo Difaacaneysay Xijaabkeeda.

Wadanka Faransiiska ee qaaradda Yurub oo ah dal ay Muslimiintu ka tiro ahaan ka badan yihiin Gaalada hase ahaatee aysan awood ku lahayn, ayaa waxaa socanaya qorshe la rabo in dadka Muslimiinta ah diintooda looga fogeeyo.

Dowladda Faransiiska ayaa gudaha wadankaasi kawadda ogolole diin la dagaallan ah oo ay ku faafineyso Calmaaniyadda Islamarkaana isku dayeyso iney Meesha kasaarto diinta Islaamka.

Dhawaan wadanka Faransiiska dhacdo muujineysa dhibaatooyin heysta Muslimiinta ku nool Faransiiska, gabar Muslimad ah oo 18 Sano, islamarkaana dhiganeysa dugsiga sare, ayaa waxay mid kamid ah macalimiinta dumarka ah ee dhiga iskuulka, iyadoo ku qasbeysa iney dhigto xijaabka, hase ahaatee gabdhii ayaa diiday waxayna iska caabisay, macallimaddii dooneysay iney ka dhigto Xijaabka, iyadoo dharbaaxsho iyo garaacis isugu dartay, sida warbaahintu soo tebineyso.

Intaasi kadib gabdhii Muslimadda ahayd waxay aadday gurigeeda, halkaasi ayaana looga daba tegay oo laga soo qabtay, waana la xiray.
Gabadhan ku dagaallantay Xijaabkeeda, waxaana laga dhigay iney tahay qof dembiila ah oo ku xadgudbay macallimadeeda, sidaasi ayaana loo xiray.

Madarasada ay ka dhacday arrintan ayaa lagu magacaabaa Siifiini waxayna taalla, Waqooyiga Faransiiska gaar ahaan magaalada Turkiwiin.

Muslimiinta jooga wadanka  Faransiiska oo in kabadan 60% lagu sheego, ayaa wajahaya dhibaatooyin uga imaanaya dowladda Faransiiska ee faafineysa mabda’ Calmaaniyadda, kaasoo amraya in dadka Muslimiinti magac kawataan diinta Islaamka gabdhaha Muslimiintana laga tuuro Xijaabkooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular