HomeAll newsHub uu Imaaraatka Carabta usoo Diray RSF oo Lagu Qabtay Suudaan.

Hub uu Imaaraatka Carabta usoo Diray RSF oo Lagu Qabtay Suudaan.

Ciidamada Mallateriga Suudaan oo isbuucii lasoo dhaafay kooxda RSF kala wareegay mandiqadda Jabal Mooya ee dhacda gobolka Sinaar ee Waqooyi Galbeed wadanka Suudaan ayaa helay, keyd hub rasaas iyo daawooyin ah oo ay kacarareen malleeshiyaadka AD-Dacmuc-Sariic.

Hubka, rasaasta iyo dawada ay heleen askarta Suudaan oo ay soo bandhigeen ayaa waxaa ku qoran qaarkood magaca loo yaqaan Dowladda imaaraadka ee United Arab Emirates oo loo soo gaabiyo  [UAE], halka Sanduuqyada qaarkood ee lasoo bandhigay laga tirtiray, dhamaan aqoonsiyadii, waliba iyadoo laga xoqayo si aan loo aqoonsan.

Sarkaal katirsan ciidanka wadanka Suudaan oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigay agabyada hubka iyo rasaasta ayaa tilmaamay iney cadaatay hadalladii in muddo ah la sheegayay ee ahaa iney xukuumadda Imaaraadku taageerto malleeshiyaadka RSF ee uu hogaamiyo Xamdaan Doqlo.

Arrinan ayaa mar kale banaanka soo dhigeysa, wajiga dhabta ah ee xukuumadda Imaaraadka oo meelo badan oo Caalamka Islaamka ah ka wadda dhibaatooyin kala duwan.

Mandiqadda Jabal Mooya waa silsilado buuro ah oo ku wareegsan tuulooyin dhowr ah oo dhaca gobolka Sinaar ee Waqooyi Galbeed dalka Suudaan, waxaan mandiqad istaraatiiji ah oo ay marto waddo weyn oo isku xirtay gobollada Al-Niilul-Abyad, Al-Jaziira iyo Sinaar.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular