Maalintii shalay kumaan qof oo deganaa gobolka Falorida ayaa bilaabay iney barakacaan, kadib markii loo sheegay iney kusoo wajahantahay, duufaanta loogu magacdaray Militoon ee xawaaraha sare ku socota taasoo laga soo xigtay xarunta qaabilsan duufaannada ee Mareykanka, iney saacaddii Jareyso masaafo dhan 270 KM.
Dadka ayaa bilaabay iney si degdeg ah guryahooda uga guuraan, wadooyinkii gaadiidku mari lahaa ayaana noqday ciriiri, maadaama qof waliba oo la baxsanayo naftiisa.
Duufaantan ayaa imaaneysa maalmo yar uun ay kasoo wareegtay walina raadadkeedi ay sii muuqaday duufaantii loo bixin Helen ee ku dhufatay gobollo katirsan Maraykanka, gaar ahaan xeebaha Faloerida.
Dad badan ayaa ku dhintan duufiitii hore, taasoo wadatay roobab Kuleyl iyo daadad, waxayna wali dadka Mareykanku la noolyihiin cabsi ku aaddan dabeylaha.