Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qaar kamid ah goballada dalka waxa ay ka fuliyeen, weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah, kuwaas oo lala beegsaday ciidanka Xabashida Itoobiya iyo kuwa Dowladda Fedaraalka.
Weerar qarax ah ayay xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen, guri ay ku qayilayeen askarta Dowladda Fedaraalka oo ku yaalla buudada weyn ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxaana qaraxaasi lagu dhaawacay 3 askari.
Sidoo kale waxaa isla xalay qarax lagu weeraray, goob ay ku sugnaayeen askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku taalla magaalada Baladweyne.
Geesta kale Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weeraro ku qaaday, saldhigyo ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin degaannada Bariire iyo Shalaambood oo kawada tirsan gobalka Sh-hoose.
Waxaa sidoo kale la weeraray saldhigga askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ay ku leeyihiin degmada Waajid ee gobalka Bakool, iyo xerada askarta Xabashida Itoobiya ay kaga sugan yihiin degmada Garbahaarrey ee gobalka Gedo.
Halkan ka dhagayso Tafaasiil Howlgalladii xalay.