Iyadoo dalka Itoobiya ay horay uga dhaceen walina ka dhacayaan dagaallo culus, ayaa waxaa dadka Itoobiyaanka ah dhibaato daran ku haya haraadiga hubka iyo waxyaabaha qarxa.
Goobaha Miyiga ah ee ku yaalla goballada kala duwan ee dalka Itoobiya, ayaa ah halka ugu badan ee ay ka taagan tahay dhibaatadaan.
Hey’ad ka howlgasha dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday, iney la tacaaleen illaa 243 qof oo ku waxyeelloobay haraadiga hubka, kuwaas oo ay ku tilmaamtay iney billaw yihiin, ayna ubadan yihiin caruur.