Gaadiid badan oo ah nooca dadweynaha, ayaa ku xaniban degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Gaadiidka ayaa ka baxay Muqdisho, iyagoo kusii jeeday gobollada dhexe, waxaana Cadalle ku heysto ciidamo katirsan kuwa Dowladda Federaalka.
Mid kamid ah darwallada wata gawaarida ku xaniban halkaas ayaa warbaahinta la hadlay, wuxuuna sheegay in ciidamada Dowladda Federaalka ay weydiinayaan iney keenaan damaanad aan la ogeyn waxay salka ku heyso.