Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka Donald Trump oo dhowr jeer la kulmay weeraro la rabay in nafta lagu dhaafiyo, ayaa xilligan usoo bixi la’ banaanka isagoo aan imaan karin fagaarayaasha si uu ololihiisa doorashada usii wato.
Warbaahinta Mareykanka ayaa tebineysa in dadka u ololeynaya Trump ay Xukuumadda Joe Biden ka dalbadeen iney siiso, diyaarado iyo gaadiid ciidan oo ilaaliya Trump, inta uu ku gudajiro ololihiisa doorashada.
Wargeysa New York Times oo dhankiisa soo xiganaya ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in dalabaadka Olalaha doorashada Trump ay kamid yihiin, in musharraxooda inta uu khudbeynayo islamrkaana ku gudajiro ololihiisa doorashada goobta uu joogo la keeno muraayadaha aysan xabaddu Karin, diyaaradahna laga ilaaliyo iney dulmaraan dhismaha uu markaasi ku sugan yahay ee uu gudahiisa ka khudbeynayo.
Sida ay sheegeyso xog uu helay wargeysa Washington Post, arrintan ayaa timid kadib markii lataliyaasha Trump ay dowladda Mareykanka ka heleen, warbixin sheegeysa in Iiraan ay qorsheyneyso dilka Trump, waa sida hadalka loo dhigaye.
Arrintan ayaa u muuqata mid culeys lagu saarayo musharraxa Jamhuuriga si looga reebo ololaha doorashada Mareykanka.
Donlad Trump ayaa tan iyo markii uu bilaabay musharraxnimadiisa, wuxuu tiro dhowr jeer la kulmay weeraro midkood lagu dhaawacay.