Maalmo kahor waxaa dalka Mareykanka Ku dhuftay duufaanno iyo dabeylo ay roobab weliyaan oo cagta mariyay, magaalooyin dhaca gobolka Falorida ee wadanka Mareykanka.
Duufaannadan ayaa dadka ku nool gobolkaasi gaarsiiyay khasaare lixaad leh oo isugu jira naf iyo maal intaba.
Tobanaan qof ayaa ku dhintay duufaannadan sida ay wararku sheegayaan, halka ay barakaceen malaayiin ruux, waxaana burbur xooggan uu soo gaaray magaalooyinkii ay ku dhufatay duufaantu oo ubadan kuwa dhaca xeebaha.
Dhismayaashii hoose ee magaalooyinka oo ay dadka Ameerikaanka ah maciin bidayeen ayaa xattaa la sheegay ineysan ka badbaadin waxyeelladan, waayo waxaa meel waliba hareereeyay biyo aad ufarabdan iyo daadad qulqulaya.
Madaxweynaha Mareykanka oo ka hadlay duufaannadan ayaa qiray iney ku waayeen dhaqaale qiimo ahaan gaaraya 50 bilyan oo dollar, halka Khubarada qaar ay sheegayaan in dhaqaalaha Mareykanka ku waayay duufaantan uu gaarayo 60 illaa 75 bilyan oo doolar.
Wax ka badan 2 malyan oo guri ayey korontadu ka go’day, kuwaasoo usii dheertahay burburka adag ee soo gaaray, muuqaallo Internetka lagu arkay ayaana muujinay Ameerikaan gacmaha ku qoranayo xogahooda, si haddii ay u dhintaan loogu raadiyo ehelkooda, waana arin lamid ah waxa heysta walaalaheena Qazza, oo lagu gumaadayo canshuurta muwaadiniinta Ameerikaanka.