HomeAll newsShirkadda Biyaha ee Maraykanka oo La Kulantay Weerar Xaga Internetka ah.

Shirkadda Biyaha ee Maraykanka oo La Kulantay Weerar Xaga Internetka ah.

Shirkadda biyaha dalka Maraykanka ee American Water, ayaa shaaca ka qaaday iney la kulantay weerar xaga Internetka ah, sida uu baahiyay website-ka CNBC.

Bayaan ay soo saartay shirkadda waxay ku sheegtay in nidaamkeeda shaqada ay ku dhex aragtay falal aaney iyadu fasixin iyo howlo aaney iyadu qaban oo ka dhex socda, kaasoo markii dambe la ogaaday inuu ahaa weerar Cyper-ka ah.

Shirkadda American Water, waxay intaa ku dartay iney joojisay shaqooyinkii caadiga ahaa, sida lacag qaadista illaa amar dambe, oo laga xallinayo dhibaatada ka dhalatay weerarka xaga Internetka ah ee lagu soo qaaday.

Illaa iyo hadda lama oga cida ka dambeysa weerarkan, waayadii u dambeysay ayayna dowladda Maraykanka iyo shirkadaheeda kala duwan waxay la kulmayeen weeraro xaga Internetka ah.

Weerarada qaar waxaa lagu eedeynayaa iney ka dambeeyaan dowladaha Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan, kuwaasoo siyaasad ahaan loolan ku jira dowladda Maraykanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular