HomeAll newsItoobiya oo Iibineysa Saami kamid ah shirkadda Isgaarsiinta ee Dalkaas.

Itoobiya oo Iibineysa Saami kamid ah shirkadda Isgaarsiinta ee Dalkaas.

Shirkadda Ethio Telecom, oo ah shirkadda isgaarsiinta ee dalka Itoobiya, ayaa ku dhawaaqday iney iibineyso qeyb kamid ah saamiga shirkadda, taasoo qeyb ka ah ololaha uu Abiy Axmed ku doonayo inuu dakhli kusoo geliyo qasnadda dowladda ee ku dhow faaruqa.

War kasoo baxay shirkadda Isgaarsiinta Itoobiya, ayaa lagu sheegay in todobaadka soo socda ay qorsheynayaan iney iibiyaan 10% saamiga shirkadda Isgaarsiinta, taasoo laga iibinayo cid weliba oo dooneysa.

Bayaanka shirkadda ayaa lagu sheegay in wixii ka dambeeya 16-ka bisha October ay dadka iibsan karaan 10% saamiga shirkadda, tallaabadan ayaana ah mid lagu soo jiidinayo maalgashayadaasha Shisheeyaha.

Abiy Axmed ayaa doonaya inuu dowladiisa u helo dhaqaale ay ku maalgelineyso howsha dowladda iyo culeesyada badan ee ku furan, waxaana uu doonayaa inuu soo jiito maalqabeennada ku nool caalamka, ee doonaya iney hantidooda maalgashadaan.

Tallaabada ay shirkadda ugu weyn ee Isgaarsiinta Itoobiya ku iibineyso saami kamid ah shirkadda, ayaa gogol xaar u ah qorhse lagu wado iney qaadaan inta badan shirkadaha dowladda Itoobiya leedahay, kuwaasoo doonaya in shirkadan ay noqdaan kuwa furan oo ciddii doonta wax ku yeelan karta, halka markii hore ay ku ekeyd gacanta Dowladda iyo ganacsatada sida dhow u maalgeliya xukuumadda Adis Ababa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular