Xiisad ayaa ka taagan magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, halkaas oo kamid ah magaalooyinka ku jira gumeysiga Itoobiya, maamul ahaanna u sheegto maamulka Koonfur Galbeed.
Xillibaan Cabdullaahi Aadan Axmed (Black) oo kamid ah xilibaannada baarlamaanka Dowladda Federaalka ee kasocda maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in magaalada Xudur laga abaabulayo xiisad colaadeed.
Wuxuu sheegay in magaalada ay gaareen wasiiro katirsan maamulka Koonfur galbeed, kuwaasoo doonaya iney xilka ka qaadaan gudoomiyaha degmada, iyagoo awood adeegsanaya, taasoo uu sheegay iney ka dhalan karto xiisad uu dhiig ku daato oo lamid ah wixii horey uga dhacay deegaannada qaar ee uu ka taliyo maamulka KOonfur Galbeed sida Bardaale.