Madarasadan oo ah dugsi hoose islaamarkaana ugaar ah gabdhaha, ayaa ku taalla magaalada Toronto ee wadanka Canada, waxayna subaxnimadii shalay oo sabti ahayd la kulantay weerar rasaaseyn ah kaasoo sida la sheegay lagasoo riday gaari marayay meel aan ka fogeyn madarasada.
Waa markii labaad oo ay bilooyin gudahood la kulmeyso weerar kale, intastoo labada weerar aysan ka dhalan wax khasaare ah.
Madarasada ayaa lagu magacaabaa Baayis Tashaayaa Muushkaa, waxay si gaar ah udhacdaa, xaafadda Nurth York ee ku taalla jihada Waqooyi ee Toronto.
Ras’iisulwasaaraha xukuumadda Canada oo ka hadlay dhacdadan wuxuu sheegay, iney garabtaaganyihiin ardayda yahuudda oo uu sheegay iney dareemayaan argagax.
Isagoo sii wata hadalkiisa uu soo dhigay barta ‘’X’’ ayuu tilmaamay, in cadawtooyada iyo nacaybka loo qabo Yahuudda uu halis ku yahay naftooda, wuxuuna sheegay ineysan udulqaadandoonin sida uu hadalka udhigay.
Tan iyo intii uu bilowdeen dagaalka iyo duqeymaha kasocda Marinka Qazza, waxay Yahuudda meelkasto oo ay ka joogaan Dunida darmeeyeen cabsi weyn oo soo foodsaartay, maadaama ay yihiin bartilmaameed xilli kasta la kulmikara weeraro ka dhan ah, waxaana meelaha ay wali baqdinta weyn ku dareemayaan kamid ah wadamada Yurub iyo Mareykanka.