HomeAll newsDowladaha Ruushka iyo Ukraine oo Kala Sheegtay Iney Diyaarado soo Rideen.

Dowladaha Ruushka iyo Ukraine oo Kala Sheegtay Iney Diyaarado soo Rideen.


Maalintii shalay oo Sabti ahayd dowladaha Ruushka iyo Ukraine ayaa ku dhaqaawaqay iney dhulka soo dhigeen, diyaarado Dorne ah oo ay kala lahaayeen labada dowladood.

Ukraine  oo kale waxay sheegtay iney burburisay, 24 Drone ah oo uu Ruushku kusoo weeraray.

Taliska ciidanka Cirka ee Ukraine ayaa bayaan uu soo saaray wuxuu ku sheegay, in ku guuleysteen burburinta 24 kamid ah 28 Drone ah oo laga soo diray Mooskoow.

Bayaanka kasoo baxay Taliska ciidanka Cirka ee Ukraine ayaa intaasi ku daray, in diyaraduhi ay beegsadeen magaalooyin dhowr ah, islamrkaana weerarada ay soo qaadeen uu ka dhashay khasaare hantiyeed oo soo gaaray Ukraine, hase ahaatee aysan wax naf ah ku dhiman.

Dhinaca kale, wasaaradda gaanshaandhigga ee Ruushka oo dhankeeda ka hadashay diyaarado Drone ah oo lagu weeraray, ayaa sheegtay iney dhulka soo dhigeen 47 diyaaradood oo ay iska leedahay Ukraine oo ay soo ridday xilli habeen ah, waxayna tafaasiil dheeraad ah ka bixisay halka ay kusoo kala riday.

Bayaan ayaa waxaa lagu sheegtay in 17 kamid ah diyaaradahan lagu soo riday mandiqadda Karasnoda, 16-na lagu soo riday badda Aazof, halka 12 kalena ay ku dhaceen mandiqadda Korkis.

Dowladda Ruushka dhankeeda waxay qiratay inuu jiro khasaare hantiyeed oo soo gaaray.

Weerarada ay isdhaafsadeen Ukraine iyo Ruushka, ayaa dhacay labadii maalin ee lasoo dhaafay sida ay warbaahintu soo tebineyso.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular