Habeen hore degmada Afgooye ee gobolka Sh.Hoose waxaa ka dhacay weerar lagu dilay 4 askari oo katirsan ciidanka Dowladda Fedaraalka, kuwaasoo midkood sarkaal yahay halka labo kalena lagu dhaawacay.
Askartan oo katirsanaa sirdoonka Dowladda Fedaraalka, ayaa waxaa dilay kuwo kale oo ay iskala tirsanyihiin sirdoonka, kuwaasoo ka yimid magaalada Muqdisho.
Dibadbax looga soo horjeedo arrintan oo ay dhigeen ehellada askarta la dilay ayaa shalay ka dhacay Afgooye.