Dadka ku nool kaamamka qaxootiga ee ku yaala magaalada Garoowe ayaa ka cabanaya biyo dhex fadhi halka ay deganyihiin, kuwaasoo ay caruurto ku dabaashaan, nadaafad darro iyo xanuunana ay ka dhalan karaan, xilli roobabka Deyrta ay ka curteen deegaannada Nugaal iyo Sool.