HomeAll newsItoobiya oo Marti Glineysa Shir ay Isugu Imaanayaan Wasiirada Gaashandhiga ee Afrika.

Itoobiya oo Marti Glineysa Shir ay Isugu Imaanayaan Wasiirada Gaashandhiga ee Afrika.

Xukuumadda Adis Ababa, ayaa ku dhawaaqday in todobaadka soo socda ay marti gelin doonto shir ballaaran oo ay isugu imaan doonaan wasiirada arimaha difaaca ee dalalka dhaca qaaradda Afrika.

Caa’isha Muxamad oo ah wasiiradda arimaha difaaca ee dalka Itoobiya, ayaa waraysi gaar ah oo ay siisay wakaaladda wararka ee dalkaas, waxay ku sheegtay in shirka uu dhici doono todobaadka soo socda.

Waxay intaa ku dartay iney kasoo qeybgeli doonaan wasiirada arimaha gaashandhiga ee dalalka Afrika, dhinacyaduna ay si qota dheer uga wada hadli doonaan arimaha ” argagaxisada” iyo guud ahaan nabadda qaaradda.

Wasiiradda arimaha dagaalka ee Itoobiya, waxay sheegtay in kasoo qeybgalayaasha kulanka ay aragti mideysan ka yeelan doonaan mustaqbalka amniga iyo nabadda qaaradda Afrika, iyadoo dhinacyadu iska kaashanayaan culeesyada amni ee kajira dalalka Afrika.

Marka laga yimaado wasiirada kulanka kasoo qeybgeli doona, waxaa kulanka soo xaadiri doona saraakiil milliteri iyo khubaro xaga ciidamada ah, kuwaasoo katirsan dowladda Itoobiya iyo sidoo kale safaaradaha caalamka ee Adis Ababab.

Lama oga iney kulankani ka qeybgeli doonaan wasiirada arimaha gaashandhiga ee Masar, Ereteria iyo Dowladda Federaalka, kuwaasoo dhawaan Asmara kaga dhawaaqay gaashaanbuursi ka dhan ah Adis Ababa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular