HomeAll newsWasiir Hore oo Eedeyn Ujeediyay Maamulka Soomaaliland.

Wasiir Hore oo Eedeyn Ujeediyay Maamulka Soomaaliland.[DHAGEYSO]

Wasiir hore oo katirsan maamulka la baxay Soomaaliland ayaa maamulkaasi ku eedeeyay, inuu masuul ka yahay dhibaatada dhaqaale ee kajitra goballada woqooyi.

Cali Axmed Maxamed (Cali Dhagole) oo ah wasiir hore oo katirsanaa maamulka la baxay Soomaaliland, haddana kamid ah xisbi mucaarad ah ayaa waxa uu ka hadlay, dhibaatada dhaqaale ee mudooyinkii lasoo dhaafay kusii baaheysay degaannada uu ka arrimiyo maamulkaas.

Waxa uu sheegay in maamulka la baxay Soomaaliland uu masuul ka yahay dhibaatadaan, bankiga maamulkaasna uu soo daabacay lacago bir ah, kuwaas oo uu ku bixiyay qarash badan.

Waxa uu tilmaamay in sharikad laga leeyahay dalka Hindiya uu uxayiran yahay ganacsiga, ayna xiran tahay dekadda islamarkaana aysan gudbeen cid aan warqad kasoo qaadan sharikaddaas.

Halkaan ka Degso Warka Eedeynta Wasiirka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular