HomeAll newsMaraykanka oo Hub iyo Ciidamo U Diraya Dhulka Filastiin ee Kujira Gumeysiga.

Maraykanka oo Hub iyo Ciidamo U Diraya Dhulka Filastiin ee Kujira Gumeysiga.

Dowladda Maraykanka ayaa dhankeeda waxay tilmaameysaa in nidaam difaac iyo ciidamo Maraykan ah geyn doonto deegaannada ay Yahuuddu xooga ku heystaan ee dhulka Filastiin.

War kasoo baxay wasaaradda dagaalka ee Maraykanka ayaa lagu sheegay, in manduumada difaaca ee Thad ay ku rakibi doonaan deegaannada la heysto ee dhulka Filastiin, iyadoo la fulinayo awaamiirta madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, loona hogaansamayo tacliimaatka Wasiirka dagaalka.

Nidaamka difaaca ee Thad ayaa loogu talogalay inuu ka hortago weerarada loo adeegado gantaallada ridada dheer, waxaana nidaamkan ka shaqeyn doono ciidamo iyo saraakiil Ameerikaan ah.

Inkastoo aaney dowladda Maraykanka sheegin waqtiga rasmiga ah ee ay ciidamadan iyo manduumada Thad geyn doonto dhulka Filastiin, hadana waxay si cad u sheegtay in ciidanka gaari doona Filastiin ay gaarayaan ugu yaraan 100 askari.

Tallaabadan ayaa imaaneysa iyadoo la filayo in maamulka Yahuudda uu jawaab ka bixiyo duqeyntii dhawaan Iiraan ka geystay gudaha dhulka Filastiin, Iiraan ayaana sheegtay in haddii ay weerar la kulanto ay iyaduna qaadi doonto weerar aan horey loo adag, sida ay warka u dhigtay.

Dowladda Maraykanka ayaa waxaa ka go’an difaaca Yahuudda, waxaana marar badan madaxda Maraykanku sheegeen in ilaalinta Yahuudda ay agtooda ka tahay caqiido iyo diin, sidaasi darteedna ay wax weliba u hurayaan ilaalinta kayaanka dhiciska ah ee xooga ku degan Filastiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular