Ilo wareedyo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay, in safiirka u fadhiya dalka Biljimka maamulka Filastiiniyiinta ee uu hogaamiyo Maxmuud Cabbaas Abuu Maazin, uu la kulmay weerar uu dhaawac kasoo gaaray.
Madaxa sirdoonka safaaradda Raamallaah ee Biljimka, ayaa garaacay Cabdi Rixiim Al-Faraa oo ah safiirka maamulka Filastiiniyiinta ee dalka Biljimka, taasoo ay waxyeello kasoo gaartay.
Xilli uu ka qeybgalayay safiirka xaflad lagu sagootinayay, ayaa mar keliya waxaa feer iyo garaacis ku billaabay madaxa sirdoonka ee safaaradda oo lagu magacaabo Maxmuud Cumar.
Wasaaradda arimaha dibadda ee maamulka Abuu Maazin, ayaa war ay soo saartay waxay ku xaqiijisay dhacdada, iaydoona tilmaamtay in gudi gaar ah loo xil saaray, islamarkaana go’aan laga soo saari doono waxa dhacay.
Dadka Filastiiniyiinta ee jooga dalalka Yurub ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in masuuliyiintii sheegtay iney danaha Filastiin ka shaqeynayaan ay dadka hortooda isugu gacan qaadaan, xilli Yahuudana ay dhibaateyneyso sanadkii labaad muslimiinta Qazza.