Markale askari ka tirsan ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa isku soodhiibay wilaayada islaamiga ah ee Sh-hoose.
Maxamed ibraahim oo ku magac dheer baashow, waa askari katirsanaa Dowladda Fedaraalka gaar ahaan kuwa ku sugan degmada Qoryooley ee gobolka sh-hoose, waxaa lagu soo bandhigay degmada Kurtunwaarey.
Baahsow ayaa ka waramay waxyaabaha ku dhaliyey inuu isaga tago ciidanka Dowladda Fedaraalka, wuxuu sheegay inuu udulqaadan waayey dhaqan xumada askarta oo uu sheegay iney cunaan mukhaadaraadka nuucyadiisa kala duwan, isagoo intaas ku daray in qofkii la arko isagoo tukanaya lagu shaabadeynayo inuu katirsanyahay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.