HomeAll newsDiyaaradaha Yahuudda oo Duqeymo Ka Geystay Magaalada Beyruut.

Diyaaradaha Yahuudda oo Duqeymo Ka Geystay Magaalada Beyruut.

Aroornimadii hore ee maanta oo Arbaco ah, diyaaradaha maamulka Yahuudda ayaa duqeymo ka fuliyay maalmo kadib, magaalada Bayruut ee caasimadda dalka Lubnaan.

Wariyaasha ku sugan magaalada Bayruut, gaar ahaan xaafadda koonfureed ee magaalada, ayaa soo tabiyay in diyaarad Yahuuddu leedahay ay gantaal la dhacday mid kamid ah dhismayaasha ku yaala xaafadda, iyadoo markale ay diyaarad nooc kale ah iyaduna gantaal ku dhufatay dhismaha.

Goobjoogayaasha ayaa soo wariyay in duqeyntu ay sababtay burbur gaaray dhismaha la beegsaday, iyadoo ay uuro madow cirka isku shareertay, duqeymahan saaka dhacay ayaana imaanaya todobaad xiriir ah oo ay magaalada Bayruut xasilooneyd.

War kasoo baxay ciidamada maamulka Yahuudda waxaa lagu sheegay, in diyaaradahooda dagaalka ay beegsadeen hadaf milliteri oo uu ururka shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah, ku leeyahay xaafadda koonfureed ee magaalada Bayruurt.

Warka kasoo baxay ciidamada Yahuudda, waxaa uu intaa ku daray in goobta la beegsaday ay ahayd bakhaar lagu keydiyo hubka, oo ku yaala dhulka hoostiisa.

Kahor inta aaney duqeyntu dhicin, afhayeenka ciidamada Yahuudda ayaa qoraal soo dhigay barta X, isagoo sheegay in lagu wado iney duqeymo ka geystaan mandiqad kamid ah Beyruut, sidaas darteed ay tahay in dadku ka fogaadaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular