Naaxuum Goldman oo kamid ah madaxdii Xarakada Sahyuuniyadda Caalamiga ah, ayaa buug uu qoray wuxuu kaga sheekeeyey kulan dhexmaray isaga iyo ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay oo ay Yahuuddu yeeshaan kaasoo lagu magacaabo David Bin Gooriyan.
Wuxuu tilmaamay sanadkii 1956-dii, isagoo xilligaas todobaadan sano jir ah, in rajadiisu tahay in lagu aaso dhul ay ka taliso dowlad ay Yahuuddu leeyihiin, laakiin wiilkiisa Caamuus in lagu aasi doono isla dhulkaasi aaney ahayn rajo weyn oo uu leeyahay.
Tani waa dareenka quusta iyo shakiga ku dhisan ee ay mar weliba ku noolyihiin Yahuudda, haddii ay noqon lahaayeen madax iyo shacab intaba, waana dareen aan dhamaneynin oo ka tarjumaya iney yihiin mooryaan dhul boob ah, mar welibana ku fadhiya in maalin un laga kicin doono.
Dareenkani ku dhisan kalsooni darada wuxuu sii xoogeystaa marka ay Yahuuddu ku jiraan xaalad dagaal, sida xaaladda waqtigan taagan, waxaana si kastoo ay u xoog badanyihiin, gumaad welibana u geystaan, hadana ay la noolyihiin dareen haziimo iyo jab.
Iyadoo ay sanad dhameystiran Yahuuddu gumaadayaan muslimiinta Qazza, islaamrkaana geysteen ugu yaraan 500 oo gumaad wadareed ah, oo ay ku shahiideen 42 kun oo qof, kuna dhaawacmeen 98 kun, oo ay sii dheertahay toban kun oo aan nolol iyo geeri toona lagu heynin, 90% dadka reer Qazzana lagu qasbay iney guryahooda ka barkaacaan, hadana Yahuuddu iyaga ayaa la nool haziimo nafsi ah.
Aragti uruurin isdaba jooga ah oo la sameeyay ayaa muujineysa, in badi dadka Yahuudda ay aaminsanyihiin iney ku jabeen dagaalka ay ku qaadeen Qazza, ama ugu yaraan ay ku guul dareysteen xaqiijinta guushii ay ku taamayeen.
Telefeshinka Yahuuddu leeyihiin ee Kaan oo kaashanaya machdka Kantar, ayaa habeenkii ay sanad kaamil ah kasoo wareegtay howlgalkii Duufaanta Al-Aqsaa, wuxuu baahiyay natiijada kasoo baxday aragti uruurin uu sameeyay.
Aragti uruurintaas waxay daaha ka feyday in 38% dadka Yahuudda ay aaminsanyihiin iney ku jabeen dagaalka Qazza, 27% ay aaminsanyihiin guul, halka inta soo hartey ay xadidi waayeen sida ay la tahay marka laga hadlayo guul ama khasaaro labadaba.
Isla aragti uruurintan, 41% dadka ka qeybgalay waxay sheegeen iney hoos u dhacday kalsoonidii ay ku qabeen ciidankooda, 86% dadkaasina waxay ka hor yimaadeen in lagu fakaro u noqoshada deegaannadii ay Yahuuddu ka sameysteen xeyndaabka Qazza, in lagu noqdo iskaba daayee, kuwaasoo laga soo barakacay markii uu dhacay weerarkii weynaa ee Duufaanta Al-Aqsaa.
Aragti uruurin midan ka daran waxaa sameeyay Machadka Yahuudda ee dimuqraadiyadda, kaasoo saddex meelood labo meel dadka ka qeybgalay aragti dhiibashada ay tilmaameen iney u baqayaan amnigooda gaarka ah, tan iyo wixii ka dambeeyay 07-dii October.
Keliya maahan dadka caadiga ah ee Yahuudda kuwa aaminan aragtidan, qoraayaasha Yahuudda iyo siyaasiyiintooda hormuudka ah ayaa la nool shucuur iyo dareen haziimo, qoraa lagu magacaabo Caamuus Har’iil, ayaa maqaal uu ku daabacay wargeyska Ha’artes wuxuu ku sheegay in fashilkii todobada October uu weligiisa ahaan doono mid saameyn ku leh Yahuudda.
Miikhaa’iil, oo isaguna ah bare katirsan jaamacadda Talla’biib ee Yahuudda, ayaa diraasad uu baahiyay todobadii October sanadkan 2024-ka, wuxuu ku sheegay in todobadii October ahayd maalinkii ugu dhiig daashada badneyd Yahuudda, dharbaaxo kululna uga timid jiho aaney ka filaneynin, lana ogaaday maalinkaasi inaaney waxba qiimo ah ku fadhin awoodda xaga technologiyadda, isagoona intaa ku daray in xusuusta todobada October ay ahaan doonto mid aan marnaba ka go’i karin xusuusta Yahuudda.
Maqaal kale oo uu qoray qoraa Yahuudi ah oo lagu magacaabo Afiishaay, wuxuu ku sheegay in mustaqbalka maamulka Yahuudda uu markii ugu horeysay wajahayo mugdi, dagaalka ay ku jiraanna aaney ogeyn xilliga uu soo dhamaan karo, sidoo kalena aanu lahayn hadaf cad.
Xaayiim isaguna waa qoraa Yahuudi ah, wuxuu maqaal uu qoray ku sheegay inuu ku hadlayo hadal aaney suuragal ahayn in dad badan ay afka kaga dhawaaqaan, kaasoo ah in Yahuudda la gaarsiiyay jab dhameystiran, islamarkaana aaney jirin wasiir ama xukuumad awoodi karta iney Yahuudda usoo celiso kalsoonida amnigiiga gaarka ah.
Kala duwanaantan ballaaran ee u dhexeysa xasuuqa ay Yahuuddu geysanayaan iyo dareenka haziimo ee ay la noolyihiin, waxay dhalineysaa su’aalo badan in la iska weydiiyo waxa keenaya, iyadoo aanu aragno in xaga caskariga iyo awoodda maadiga ahba ay Yahuuddu ku sareyso, caalamka intiisa badanna uu si dulmi ah u garab taaganyaahay Yahuudda.
Mid kamid ah asbaabaha aanu mugdiga iyo shakiga ku jirin ee keenaya walaaca Yahuudda, waa iyagoo og iney yihiin dad xoog ku degan dhul aaney iyagu lahayn, dadkii lahaana xoog looga barakiciyay, dhinac kalena ay ka go’antahay iney mar un iska dulqaadan cadowga dhulkooda ku habsaday.
Tani waa mida keentay in madaxda Yahuudda iyo dadkoodaba ay habeen kasta ku seexdaan iney soo dhowdahay maalinkii laga eryi lahaa dhulka ay xooga ku qabsadeen, taasoo aaney faaruqi karin niyadooda, intaba uu noolyahay qof muslim Filatsiini ah oo hubeysan, oo ku doodaya in daartiisa iyo dhulkiisa barakeysan xoog looga heysto.
Madaxda Yahuudda ayaa markii ugu horeysay ee la dhisay kayaanka Sahyuuniyada, waxay si cad u sheegeen in markani u billaabatay taxadi aan dhamaaneynin iyo culees joogta ah, waxay dhoo-dhoobteen ee ay dowaldda ku sheegeenna ka dooneyso ilaalin iyo difaac, maadaama lagu dhex beeray bii’o islaami ah, oo dadka kunool ay Muslimiin yihiin.
Dareenkan ku dhisan iney deganyihiin dhul ay boobeen, maalin unna laga kicin doono, wuxuu sii xoogeystay sanad kahor markii uu dhacay howlgalka Duufaanta Al-Aqsaa, kaasoo ay qaadeen kooxaha Muqaawamada Filastiin ee ku go’doosan Marinka Qazza.
Wuxuu howlgalkani dhulka la galay kalsoonidii Yahuuddu ku qabeen ciidankooda ee ahayd iney awood u leeyihiin difaaca Yahuudda, isagoo dhanka kale ku riday Yahuudda fuuq bax dhaqaale oo weli sii socda, kaasoo sameeyay tamashleyntii Yahuudda, lagana dareemay guri weliba oo ay Yahuuddu ku noolyihiin.