Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday iney korortay awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Waxa ay xukuumadda Washingon sheegtay, iney cabsi ballaaran ka qabto dadka ku biiraya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo doonaya iney la dagaallamaan ciidanka Xabashida iyo kuwa kale ee duullaanka ku jooga dalka.
Mid kamid ah wargeysyada reer-galbeedka oo soo xiganaya saraakiil Amerikan ah ayaa sheegay, iney walaac ballaaran ka qabaan taageerada dheeraadka ah ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka helyso shacabka, tan iyo wixii markii uu Muuse Biixi Itoobiya usaxiixay qeyb kamid ah badda Soomaaliya.