HomeAll newsCudurka Autism-ka oo Dhibaato ku Haya Caruurta Soomaalida ee Dalka Mareykanka.

Cudurka Autism-ka oo Dhibaato ku Haya Caruurta Soomaalida ee Dalka Mareykanka.

Cudurka masxkada naafeeya ee Autism-ka ayaa ku badanaya caruurta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka.

Caruurta ay da’doodu tahay 4 jirka, ayaa 16kiiba la sheegay inuu hal cunug ka qabo cudurkaan loo yaqaanno Autism-ka, sida lagu xusay daraasad dhawaan kasoo baxday gobalka Minnesota ee ay Soomaalidu ku badan yihiin.

Marka loo fiiriyo daraasaddaan, caruurta Soomaalida ayaa dadka kale uga badan cudurkaan, iyadoo lagu xusay in shcuubta kale ee gobalka ku nool 53 caruur ahba uu cudurka qabo 1 canug.

Tani ayaa walwal ku abuurtay dadka Soomaalida ah ee ku nool gobalka Minnesota, waxaana arrintaasi ka warramay, Xaashi Shaafi oo kamid ah Soomaalida dalkaasi ku nool.

Halkaan ka Degso Warka Caruurta Soomaalida ee Mareykanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular