HomeAll newsMaraykanka oo Duqeymo Ka Fuliyay Dalka Yemen.

Maraykanka oo Duqeymo Ka Fuliyay Dalka Yemen.

Warbaahinta taabacsan kooxda Xuuthiyiinta ee gacanta ku heysa magaalada Sancaa ee caasimada Yemen, ayaa ku warantay in diyaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska ay duqeymo ku garaaceen qeybo kamid ah dalka, aroornimadii hore ee maanta oo Khamiis ah.

Illaa ugu yaraan 9 duqeyn ayay diyaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska ka fuliyeen deegaanno dhaca wuqooyiga magaalada caasimadda Sancaa iyo koonfurteeda, iyo sidoo kale deegaannada Kahlaan iyo Ceylaa oo dhaca bariga magaalada Sacdah.

Wasiirka arimaha dagaalka ee dowladda Maraykanka Luwid Austin ayaa dhankiisa wuxuu sheegay, in ciidanka Maraykanku duqeyn ku garaacay illaa shan goobood oo dhulka hoostiis ah, kuwaasoo lagu keydiyo hubka, sida uu warka u dhigay.

Wuxuu intaa ku daray in goobaha la beegsaday ay ahaayeen halka laga soo abaabulo weerarada maraakiibta lagula beegsado Badda cas, Maraykanka ayuuna tilmaamay inaanu marnaba ka labo-labeyn doonin inuu tallaabo ka qaado cid weliba oo halis gelineysa amniga badda, sida uu warka u dhigay.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa qalinka ku duugay go’aanka lagu beegsaday xarumaha Xuuthiyiinta ee dalka Yemen, diyaaradaha duqeynta geystay ayaana ahaa nooca B2, oo ah diyaaradaha ugu waaweyn ee nooca dagaalka ee uu Maraykanku farsameeyo.

Dhanka kale kooxda Xuuthiyiinta, ayaa sheegay inaaney marnaba isbedeli doonin go’aankooda la xiriira beegsiga maraakiibta mara Badda Cas, jawaab cadna ka bixin doonaan duqeymaha lagu garaacay dalka Yemen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular