Wareegto kasoo baxday hogaamiyaha maamulka afgembiga dalka Masar Cabdil Fataax As-Siisi ayaa lagu sheegay, in madixii hore ee sirdoonka wadankaas xilka laga qaaday, laguna bedeley taliye cusub.
Xasan Rashaad ayaa loo dhiibay xilka taliyaha sirdoonka dalka Masar, halka Cabbaas Kaamil oo horey u ahaa taliyaha sirdoonkana laga dhigay la taliye, ergey gaar ah iyo isku duwaha arimaha amniga.
Wakaaladda wararka ee dalka Masar, ayaa shaacisay in Cabaas Kaamil uu noqday ergeyga gaarka ah ee Cabdil Fataax Siisi, la taliyaha madaxweynaha iyo sidoo kale isku duwaha arimaha amniga ee dalka.
Cabaas Kaamil oo 68 sano jir ah, ayaa sanadkii 2018-ka wuxuu noqday taliyaha sirdoonka dalka Masar, xilka xilligan la dhiibay ee ah isku duwaha arimaha amniga ayaana xil waqtigan lasoo kordhiyay, oo aan horey u jiri jirin.
Madaxtooyada dalka Masar ayaa faafisay sawirro muujinaya Siisi oo la fadhiya Cabbaas Kaamil iyo taliyaha cusub ee sirdoonka Xasan Maxmuud Rashaad, iyo sawir kale oo muujinaya taliyaha oo gudanaya dhaarta ay ugu yeeraan dastuuriga.