HomeAll newsMaamulka Yahuudda oo ku Dhawaaqay Dilka Yaxya Sinwaar.

Maamulka Yahuudda oo ku Dhawaaqay Dilka Yaxya Sinwaar.

Ciidamada maamulka Yahuudda ayaa ku dhawaaqay iney Marinka Qazza ku dileen, hogaamiyihii kooxaha Muqaawamada Qazza ninka lagu magacaabo Yaxya Sinwaar.

War kasoo baxay ciidamada Yahuudda ayaa lagu sheegay iney dileen Yaxya Sinwaar, madaxii xafiiska Siyaasadda ee Muqaawamada, kadib iska hor imaad ka dhacay magaalada Rafax ee koonfurta Marinka Qazza.

Wasaaradda arimaha dibadda maamulka Yahuudda, ayaa dhankeeda bayaan ay soo saartay waxay ku xaqiijisay dilka Yaxya Sinwaar, iyadoona wasiirka arimaha dibadda Yahuudda uu fariin la xiriirta arintan u diray wasiirada arimaha dibadda ee caalamka.

Sawirro lagu faafiyay Internetka ayaa muujinaya meydadka nin lagu sheegay inuu Yaxya Sinwaar yahay, kaasoo wata booshka ciidanka, waxaana Yaxya Sinwaar iyo xubno kale oo la socday ay fool ka fool u dagaallameen ciidamada Yahuudda.

Illaa iyo hadda majirto war rasmi ah oo kasoo baxay Muqaawamada Qazza, oo la xiriira dilka Sinwaar, waxaana ninkan ay Yahuuddu ku eedeeyeen inuu ahaa ninkii abaabulay weerarkii dhiiga badan Yahuudda looga daadiyay ee Duufaanta Al-Aqsaa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular